Dawladda Ruushka ayaa ku hawlan sidii ay usoo af jari lahayd saamaynta dalka Maraykanka ee wadamada kale ee dunida uu ku leeyahay, xili xafiiltanka labada waddan uu wajiyo badan yeeshay hadda.

Wasiirka arimaha dibadda ee Ruushka ayaa wacad ku maray in ay dunida ka dhigayaan mid danaheeda raacda balse aan markasta u hogaan sanayn awaamirta dawladda Maraykanka.

Hadalada Ruushka ayaa imanaya xili dagaalka Yukrayn uu weli socdo, ddka qaxayana laga saarayo magaalooyinka bahalo galeenka noqday ee dagaaladu ay baabi’iyeen.

Caruurta ku baro kacday Yukrayn ayaa gaadhay in ka badan 4 million oo caruur ah. Waa badi caruurtii Yukrayn oo tiradooda guud ay tahay 7 million.

Ciidamada Ruushku waxay saldhigyo adag ka samaysteen gobolada bari ee Yukrayn iyadoo la sheegay in ay halkaas dib iskaga soo abaabulayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga