Danjiraha dawladda Ruushka u fadhiya Muqdisho, ayaa sheegay inay dawladdiisu Soomaaliya ka taageeri doonto, dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Hadalka danjire Mikhail Golovanov, ayaa kusoo beegmay xilli uu la kulmay raysal-wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa iyana dhankeeda sheegtay, inay xoojinayso xidhiidhka kala dhexeeya dalka Ruushka.

Xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka, ayaa dabada ku haya xidhiidhkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeetka ee soo bilaabmay sannadihii lixdameedyadii, markaas oo ay dawladdii Midowga Soofiyeetku Soomaaliya ka caawin jirtay dhinacyada Militariga iyo waxbarashada, taasoo Soomaaliya u horseedday inay kamid noqoto dalalkii Afrika ugu awoodda badnaa dhanka ciidanka.

 

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga