Ruushka ayaa la sheegay in uu Yurub ku qaadayo weerarkii ugu waynaa muddo ka badan 76 sanno.

Raysalwasaaraha dawladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen caddaymo ku filan oo muujinaya in dagaalka Ruushku yahay kii ugu waynaa muddo ku dhaw qarni, tan iyo sanadkii 1945.

Dhammaan Yukrayn ayuu Ruushku la wareegayaa iyadoo ay suurta gal tahay is fidin uu mar kale sameeyo weerarna ku qaado wadamada kale ee Yurub, sida uu sheegay Boris Johnson oo xiganaya warbixinaha sirdoonka Reer Galbeedka.

Ciidamada Ruushka iyo kuwa taageersan ee fallaagada ah ayaa imika ku dhaw 200,000 oo askari, waxayna dhammaan ku sugan yihiin gudaha iyo xadka Yukrayn.

Cabsida Reer Galbeedka ee weerarka Ruushka ayaa sii kordhaysa iyagoo aan waxba ka qaban karin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga