Dawladda Ruushka ayaa marti galinaysa shir wayne ballaadhan oo ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka, kaas oo lagaga hadlayo sii xoojinta xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee u dhaxeeya Ruushka iyo wadamada qaaradda Afrika.

Ruushka ayaa u muuqda mid danaynaya iskaashi dhaw oo uu la yeesho qaaradda hodanka ah ee Afrika, iyo sidii uu u abuuri lahaa iskaashi laba geesood ah oo dhinacyadu ay ka macaashaan. Xukuumadda Moscow waxay dhaliishay maalgalinta ay wadamada galbeedku ku sameeyaan meelo ka mid ah qaaradda iyo kaalmooyinka ay siiyaan, isagoo ku duray shuruudo uu sheegay in ay ku xidhanyihiin. Wuxuu Ruushku balan qaaday taageero bilaa shuruud ah oo uu u fidiyo wadamada qaaradda Afrika.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa dhinacyo kala duwan iska taagay danaha Ruushka ee soo ifbaxaya, balse waxa la wada eegayaa tallaabooyinka uu qaado ee ku aadan maal-galinta iyo xidhiidhka wadamada qaaradda oo badi ay saamayn wayn ku leeyihiin wadamada galbeeda iyo Shiinuhu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga