Ruushku wuxuu mar kale bilaabay duqaymo iyo dagaal xoogan oo ku qaadayo magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan dalka Yukrayn, kadib xabad joojin hore la iskula qaatay oo fashilantay.

Waxa la arkayay ciidamada Ruushka oo duqayn xoogan ku haya magaalada xeebta dhacda ee Mariupol oo muhiimad 2wayn u leh Ruushka si ay iskugu fidiyaan dhanka xeebta.

Xabad joojinta waxa looga dan lahaa si dadka baahani ay gargaar u helaan sila markaana kwua raba in ay qaxaan loo siiyo fursad ay kaga bixi karaan magaalooyinka Ruushku hareereeyay ee dagaalku ka socdo.

Ruushku wuxuu duullaanka cusub kaga jaawabayaa gawaadhidiisa gaashaaman oo meelaha qaar lagu gubay iyo iska caabin ay sameeyeen ciidamada Yukrayn.

Galbeedka iyo waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kyivayaa sidoo kale uu Ruushku ka bilaabay duqaymo akjle.

Dhanka kale waxa sii kordhya tallaabooyinka dhaqaalaha iyo cuno qabataynta Reer galbeedka ee ka dhanka ah dhaqaalaha Ruushka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga