Wasaaradda Caafimaadka ee Ruushka ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in la bilaabay soo saarista talaalka coronavirus-kii ugu horreeyay ee dunida laga diiwaan-geliyo. Waxaa loogu magac daray dayax-gacmeedkii ugu horreeyay oo la odhan jiray ‘Sputnik’ kaas oo laga ganay Moscow sannadkii 1957-kii.
Qaaciddada lagu helay tallaalkan, oo rasmi ahaan loo yaqaan ‘Gam-COVID-Vak,’ waxaa soo saartay Xarunta Cilmi-baadhista Qaranka ee Gamaleya taas oo ku taalla caasimadda Ruushka Moscow.
Tallaalkan, ayaa ka kooban laba qaybood oo marka ugu horraynta lagu mudo ama lagu duro qofka, haddana muddo saddex todobaad ah kadib lagu mudayo durista labaad, si ay u kiciso jawaab celinta tallaalka Covid-19.
Agaasimaha maalgashiga hantida guud ee waddanka Ruushka oo maalgeliyay mashruucan, Kirill Dmitriev, ayaa waxa uu tilmaamay in Moscow ay ka heshay dalabyo ka badan hal bilyan oo xaddi oo ah tallaalkan in ka badan 20 dal.
Isu duwaha caafimaadka ee Ruushka, ayaa diiwaangaliyay tallaalka kadib markii uu ka gudubay tijaabooyinka wejiga II ee bilihii Juun iyo July. Waxaa la go’aamiyay in la dhammaystiro wejiga III tijaabada oo aan lagamamaarmaan u ahayn bilowga maxaa yeelay waxay ku saleysan tahay meel horay loo xaqiijiyay ayuu yidhi isku duwaha caafimaadka ruushku.
Si kastaba ha noqotee, waxaa muhiim ah in la ogaado in Sputnik V aanu geli doonin wareeg guud oo si fudud loo helo, illaa bisha January sannadka 2021, khubarada dhanka caafimaadku waxay sheegayaan inuu tallaalkani u baahan yahay 4 illaa 5 bilood oo kale, si loo eego waxtarkiisa.
Qaar kamid dawladaha galbeedka, ayaa tallaabada uu Ruushku qaaday ee soo saarista tallaalka xanuuka Covid-19 waxay ku tilmaameen halis daran, balse wasaaradda caafimaadka Ruushka ayaa waxay sheegtay in khubaradoodu ay wakhti, dedaal iyo kharash badan ku bixiyeen soo saarista tallaalkan Sputnik V iyadoo madaxwaynaha dalka Ruushka Vladmir Putin uu si rasmi ah ugu dhawaaqay maalintii Salaasadda soo saarista tallaalkan.
Wararkii ugu dambeeyay halkan kala soco. SAAB TV ka hel warar iyo warbixino xaqiiqda ku sal leh.