Dawladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa ka gaadhay heshiis xabbad ah xiisaddii ka aloosnayd gobolka Idlib ee dalka Suuriya.
Heshiiskan, ayaa dhaqangalkiisu bilaabmay saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha xilliga dalka Suuriya, kaasoo lagu rejo wayn yahay inuu dejin doono xiisaddii ka taagnayd gobolka dhaca waqooyi galbeed Suuriya ee Idlib, taasoo u dhexaysay ciidamda Turkiga iyo kuwa Rijiimka Bashaar Al-Asadka Suuriya oo gacan ka helay Ruushka.
Waxay ahayd bishii February markii 36 askari oo Turki ah lagu dilay weerar ay fulisay Suuriya, taasoo la sheegay inuu Ruushku ka caawiyay, iyadoo kadib dhacdadaasna Turkigu weerarro xooggan ku qaaday ciidanka Suuriya isagoo dhulka soo dhigay diyaarado dagaal oo ay Suuriya lahayd.
Dhacdooyinkaas, oo dadka siyaasadda falanqeeyaa ku sheegeen inay horseedi kartay dagaal toos ah oo dhexmara labada dal waa Ruushka iyo Turkiga e, madaxwayne Erdogan ayaa maalinnimadii Khamiista booqasho kutegay Moscow, isagoo halkaa kula kulmay dhiggiisa Putin.

Heshiiska xabad-joojinta ah ee dhex maray Putin iyo Erdogan, ayaa la shaaciyay kadib lix saacadood oo xidhiidh ah, kuwaas oo ay kuwada hadlayeen labada hoggaamiye.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka digay weerarro kale oo ka yimaadda Suuriya, kadib heshiiskan, kaasoo Erdogan uu sheegay in dalkiisu ka bixin doono jawaabta ugu habboon haddii ay dhacdo.”Turkiga wuxuu xaq iyo awoodba u leeyahay weerar kasta oo uga yimaaddo xoogagga Madaxweyne Bashaar al-Asad inuu jawaab ka bixiyo.” ayuu yidhi Erdogan.
Dhankiisa, Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa isna sheegay in heshiiska xabbad joojinta ah ee ay wada galeen Turkiga uu ka rajeeynayo inuu dagaalka soo afjaro: “Waxaan rajeenayaa heshiiskani inuu gundhig wanaagsan u noqdo soo afjaridda colaadda ka taagan aagga rasaasta ka caaggan ee Idlib. Ayuu yidhi Putin.
Waxay ahayd sannadkii 2018-kii, markii Ruushka iyo Turkigu ay wada galeen heshiis-xabbad joojin isla gobolkan Idlib, balse heshiiskaas ayaa noqday hal-bacaad lagu lisay.
Idlib, ayaa ah gobolkii ugu dambeeyay ee ay gacanta ku hayaan kooxaha kasoo horjeeda rijiimka Bashaar Al-asadka Suuriya, kuwaas oo gacan-saar la leh Turkiga, kaas oo uu Turkiguna u arko mid aad muhiim ugu ah.