Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in dalalka Ruushka iyo Iran ay isku dayeen faro galin ay ku sameeyaan doorashadii madaxtinimada ee ugu danbaysay ee ka dhacday dalka Maraykanka.

Warbixin cusub oo sirdoonka Maraykanku ay sii dayaeen maanta ayaa lagu xusay in Vladamir Putin madaxweynaha dalka Ruushka, uu ogolaaday in khubaradiiisu ay isku dayaan tallaabo kasta oo Donlad Trump lagaga caawinayo in uu kusoo noqdo talada Maraykanka.

Xukuumadda Moscow axay si adag u beenisay warbixinta sirdoonka Maraykanka, iyadoo horena u beenisay warbixinihii hore ee ka dhanka ahaa ee faro galinta tilmaamayay.

Warbixinta waxa lagu sheegay in natiijada kama danbaysta ahayd ee doroashada aanay cidina ku samayn wax faro galin ah, dhamaan isku dayada in wax laga bedelona ay fashilmeen.

Dawladda Iran ayaa iyadana waxa la sheegay in samaysay olole kale oo ku aadan sidii xafiiska loo dhaafin lahaa Donlad Trump, balse natiijada may samaayn. Trump wuxuu cadaadis xoogan oo dhaqaalaha Iran curyaamiyay saaray xukuumadda Tehran oo weli la daalaadhacaysa saamaynta dhaqaale ee kasoo gaadhay.

Warbixita oo ka koobnayd 15 bog waxa dhanka kale lagu xusay in dalka Shiinuhu aanu isagu samayn wax isku day ah oo uu ku faro galinayo doorashooyinkii ka dhacay dalka Maraykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga