Madaxa dhakhaatiirta ee cisbitaalka Siberian kaas oo daweynaya ninka ku caanka baxay dhaleeceynta aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin, Alexei Navalny ayaa sheegay maantoo Jimce ah laga helay cudur uu sababo dheef-shiidka kiimikaad, kaasi oo ay sababto sonkorta dhiigga oo hooseysa.
Alexander Murakhovsky, madaxa dhakhaatiirta cisbitaalkan daweeynaya hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Navalny ee magaalada Omsk, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in laga helay dharka iyo farihiisa, raadadka walxo kiimikaad oo warshadaha ka yimi .
“Maanta waxaan haynaa qayb kamid ah baadhitaannada shaqada. Midda ugu weyni waa … xanuun dheef-shiid-kiimikaad sababay,” ayuu yidhi Murakhovsky, isagoo raaciyay in xaaladda Navalny “ay sababi karto hoos u dhac ku yimid heerka sonkorta dhiigga”.
Ku dhawaaqida dhakhtarka ee inaan loo qaadi karin Ruushka hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka, ayaa timid waxyar uun kadib, markii xulafada Navalny ay ku eedeeyeen aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin, inuu carqaladeeyay u qaaditaankiisa caafimaad ee waddanka Jarmalka, isagoo sheegay in go’aankaasi uu noloshiisa gelinayo halis daran sababtana waxay ku sheegeen in cisbitaalka Siberian ee daweynaya aanu ahayn mid qalabaysan.
Navalny, oo si weyn u dhaleecayn jiray Madaxweynaha Vladimir Putin iyo kuxigeenadiisa, ayaa ku jira xaalad halis ah kadib markii uu shaah ka cabay diyaarad Khamiistii. xulafadiisa ay aaminsan in la sumeeyey, balse dhakhtarku wuxuu sheegay Jimcaha maanta ah inay xaaladdiisu soo hagaagayso.
Xaaska Navalny Yulia Navalnaya iyo gabadha u ah afhayeenka Kira Yarmysh waxay ka horyimaadeen Kremlin-ka iyo hadalka madaxa Dhakhaatiirta Murakhovsky ee ah in qaadista Jarmalku ay xaaladdiisa halis sii gelin karto iyadoo uu weli ku jiro Koomo oo aanay xaaladdiisu xasilloonayn.
Afhayeenka hoggaamiyaha buka ee dalka Ruushku waxay sheegtay in markii hore dhakhaatiirtu ay ogolayaan in loo qaado dalka Ruushka, balse ay go’aankooda bedeleen daqiiqado ka dib.