Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in wax laga qaban doono tabashooyinka Midawga Murashaxiinta, oo maalmihii lasoo dhaafay soo saarayay walaacyo joogto ah oo doorashada ku aadan.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay kulan la qaatay Golaha Midawga Murashaxiinta, isagoo kadibna soo saaray war murtiyeed.

Rooble wuxuu xusay in uu kulan la qaadan doono gudiyada doorashada isagoo isugu yeedhi doona Golaha Wada tashiga Qaran si looga wada hadlo arimaha qaldan, loona sixi lahaa madmadawga soo baxaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga