Raysalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tegay magaalada Geneva oo uu kaga qayb galay shir halkaas ka dhacay.

Rooble ayaa Geneve u tegay si uu uga qayb galo kulamo looga hadlayay abaaraha ba’an ee ka jira qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Soo-laabasahda Rooble ayaa kusoo beegmaysa xili ay xiisadi ka taagan tahay magaalada Muqdisho, xiisadaas oo ka dhalatay doorashada guddoonka golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga