Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa xalay farriin u diray baarlamanka Soomaaliya isagoo ugu baaqay in ay dalka ka badbaadiyaan dad isu arka in ay dawladda leeyihiin, xili baarlamanku ay isu diyaarinayaan doorashada madaxweynaha.

Rooble wuxuu sidoo kale u sheegay baarlamanka in ay Soomaaliya ka badbaadiyaan doorasho dadban oo kale.

“Doorashada hadda dhacday oo aan aniga hoggaaminayay waligey imasoo marin midaan oo kale. Sidii la rabaa laga yeeshay. Wixii dhacayna marqaatiyaa ka tihiin. Doorasho dadban oo wada qalloocan ummaddu mid ay kusii jiri karo ma ahan,” ayuu yidhi raysal wasaare Rooble.

Hadaladan ayuu ka sheegay dood lagu qabtay Twitter-ka habeenkii xalay ahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga