Roobab culus ayaa ka da’ay bariga iyo koonfurta qaaradda Asia, iyadoo wadamada Japan iyo Hindiya ay tobanaan qof ku dhinteen daadka iyo dabaylo meelaha qaar guryaha dumiyay.

Illaa 20 qof ayaa ku dhintay roobab ka da’ay koonfurta dalka Japan, iyadoo dawladdu ay hawl galisay in ka badan 10,000 oo askar iyo hawlwadeenada gargaarka isugu jira.

Deegaano badan oo u dhaw webiga Kuma ayay guryaha dul mareen biyaha fatahay, iyado kumanaan qof la daadgureeyay. Dad badan ayaa lagu la’yahay fatahaadaha.

Saadaasha cimilada ayaa tilmaamysa in roobabku ay sii di’i doonaan maalmaha soo socda.

Galbeedka Hindiya waxa isagana ka da’ay roobabka Mansoonka ee xagagaaga, iyadoo deegaano badan ay xaaqeen daadadku.

Magaalada dhaqaalaha Hindiya ee Mumbai ayay si ba’an roobabku ugu dhufteen, iyadoo malaayiin qof ay isku xanibmeen.

Magaalada 48 saacadood oo xidhiidh ay socon doonaan roobabku.

Digniinaha dawladaha ayaa dadka deegaanada qaar u sheegaysa in ay ka taxadiraan roobabka la filayo.

Roobabka xiliga xagaaga da’a ee wadamada bariga iyo koonfurta Asia ayaa inta badan sababa khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga