Saadaasha cimilada ayaa mar kale tilmaamaysa robab xoogan oo kusoo wajahan qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dawladda Feederaalka Soomaaliya ayaa ka digtay fatahaado hor leh oo ka dhasha roobabka la filayo, iyadoo sheegtay in ay heegan galisay waaxaha gargaarka, sida lagu xusay war kasoo baxay wasaarada warfaafinta ee dawladda.

Roobab waawayn ayaa ka imanaya dhanka badweynta India waxaana la filayaa in ay saamayn ku yeeshaan qaybo ka mid ah deegaanada xeebaha iyadoo ay suurtagal tahay in deegaano kalana ay ka da’aan.

Roobabka ayaa si wayn uga di;i doonaa deegaanda gobolada Sanaag, Bari, Nugaal iyo xeebaha Puntland ee dhanka bariga iyo waqooyiga. Sidoo kale waxa suurtagal ah in ay xeebaha waqooyibari ee Somaliland saameeyaan.

Soomaaliya ayaa wakhtigan u nugul musiibooyinka ka dhasha roobabka waxaana laga cabsi qabaa fatahaado ay keenaan roobabku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga