Xarunta Shirarka Caalamiga ee Accra, ayaa maydkiisa la dhigay, iyadoo korkiisana ay saaran ubaxyo fara-badan iyo sawir laga qaaday intii uu ahaa madaxwaynaha dalka.

Jerry John Rawlings, madaxwaynihii hore ee dalka Gaana, ayaa geeryooday 12-kii bishii Nofeembar ee sannadkii hore, isagoo ay da’diisu jirtay 73. Aaska madaxwaynaha hore ee reer Gaana, ayaa waxaa markii hore loo qorsheeyay 23-kii bishii Diseembar, balse dib ayaa loo dhigay, sababo ay wasaaradda arrimaha dibeddu ku sheegtay “duruufo aan la fileynin.

Iyagoo aad u tiiraanyaysan, ayay dadku sii sagootiyeen Jerry John, xilli bartanka lagaga jiro saamaynta cudurka Coronavirus, laguna amray dadka inay u hoggaansamaan shuruucda dhanka kala fogaanshaha ee xanuunka la xidhiidha sida inay af-san-saabkood soo qaataan.

Madaxwaynaha iyo ku xigeenka dalka Gaana, kuwaasi oo ay weheliyaan saraakiil sare oo katirsan baarlamaanka iyo Militariga dalka, ayaa sii nabad-geliyeeyay ninka mar dalkooda soo hoggaamiyay.

Jerry John Rawlings, madaxwaynihii hore ee dalka Gaana, ayaa ahaa hoggaamiye dhanka Militariga ah, kaasi oo markii dambena noqday madaxwaynaha dalka, wuxuu ahaa nin ay ku wayn tahay Afrikaanimadu, isagoo caan kaga dhex noqday galbeedka qaaradda Afrika, siyaasadihiisii la xidhiidhay ganacsiga xorta ah iyo furfurnaanta dhaqaale.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga