Raysalwasaaraha waddanka Lesotho, oo dhaca koonfurta Afrika, ayaa lagu maxkamadaynayaa gudaha dalkiisa iyadoo loo haysto geerida xaaskiisii hore oo la toogtay sanadkii 2017-kii, waxaana kiiskiisa si wayn looga hadal hayaa gudaha dalkaas.

Thomas Thabane oo ah 81-jir ayay garyaqaanada u doodayaa waxay xuseen in aan madaxweynaha la maxkamadayn karin isagoo talada haya, isla markaana uu leeyahay xasaanad ay tahay in la ilaaliyo.

Sanadkii 2017-kii ayaa la toogtay xaaskiisa hore, iyadoo gabadha uu hadda qabo sidoo kale lagu eedeeyay in ay wax ka ogayd shir-qoolka lagu dilay gabadhaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga