Raysalwasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa u socdaalaya waddanka Maraykanka, isagoo xalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalda caasimadda ah.

Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galaya shirka sanadlaha ah ee Baanka Adduunka iyo hay’adda lacagta ee IMF kaas oo ka dhici doona magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka.

Soomaaliya ayaa wada isbedelo dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo rabta in laga dhaafo daynta tirada badan ee lagu leeyahay. Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa arimahaas kala hadli doona madaxda shirka kasoo qayb galaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga