Mario Draghi, raysalwasaaraha Talyaaniga, ayaa Erdogan ku tilmaamay kaligii-taliye isagoo intaa ku daray in Recep Erdogan uu bahdilay madaxda Midawga Yurub.

“Aynu ugu yeedhno waxa ay yihiin, kali taliyayaashu. Yaa u baahan” ayuu yidhi Mario Draghi, raysalwsaaraha dalka Talyaanigu.

Xukuumadda Ankara ayaa si adag uga cadhootay hadalada kasoo yeedhay raysalwsaaraha Talyaaniga. Wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga ayaa u yeedhay danjiraha Talyaaniga e Ankara, iyadoo cambaaraysay hadalada raysalwasaaraha Talyaaniga oo ay ku tilmaantay qaar aan la aqbali karin oo foolxun.

Raysalwasaaraha Talyaaniga ayaa ka cadhooday qaabka madaxa komishanka Yurub loogu qaabilay madaxtooyada Turkiga oo hadal hayn wayn dhalisay. 

Gabadha madaxda ka ah Komishanka Yurub ayaa la arkay iyadoo kursi aan loosii diyaarin, halka Erdogan iyo madaxweynaha Yurub ay ku fadhiisteen aba kuris oo loogu talo galay gudaha madaxtooyada Turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga