Raysalwasaaraha Libya ayaa ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan doorashada madaxtinimada ee dalkaas, kuna tartamayo kursiga madaxweynaha.

Waa tallaabo la sheegay in ay mar kale dalka qalalaase galin karto iyadoo yaraynaysa heerka lagu kalsoonaan karo dawladda maadaama madaxda xukuumaddu ay u tartamayaan madaxtiniamda.

Damaca Cabdulxamiid alDabaybah ayaa la filayaa in ay caqabad ku noqdaan sharciyada doorashada oo ah kuwo la adkeeyay.

Doorashadan waxa ku tartamaya dhinacyo iskasoo hor jeeda oo dagaalo lagu hoobtay ay dhex mareen, waxa ku jira jeneraalka awoodda badan ee Khaliifa Xaftar iyo Sayfa alIslam Qadaaf, wiilka uu dhalay madaxweynihii dalkaas ee la riday.

Doorashadan waxa dabada ka riixaysa Qaramada Midoobay oo markii horena hor kacaysay dedaalada lagu yagleeyay dawladdan doorashada qabanaysa eeku meel gaadhka ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga