Raysalwasaaraha dalka Ingiriiska ayaa la kulmaya cadaadis wayn oo ku aadan in uu is-casilo kadib markii la ogaaday in uu xafiiskiisu jabiyay awaamirta cafimaadka ee Covid-19.

Boris Johnson ayaa raali galin ka bixiyay xaflad ka qabsoontay xafiiskiisa oo ay kasoo qayb galeen dad kala duwan, kuwaas oo la arkayay cabitaano iyo cuntooyin fudud oo halkaas lagu isticmaalay.

Xafladda kooban ee ka dhacday xafiiska NO.10 ayaa keentay cadho xoogan xili dadka la galiyay xaalad xanibaad ah, halka raysalwasaaruhuna uu xafladaystay.

Xildhibaanada baarlamanka ee Ingiriiska ayaa ugu baaqay Johoinson in uu xafiiska baneeyo, inkasta oo uu taageero ka helay xubno golahiisa wasiirada ka mid ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga