Raysalwasaaraha cusub ee dhawaan ay yeelatay Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta uu la wareego xilka, isagoo kala wareegaya ku-simaha raysalwasaaraha Mahdi Guuleed oo jagadan hayay tan iyo markii la caydhiyay Xasan Cali Khayre.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu dhammaystiro arimaha doorashada ka qabyada ah, isagoo muddo aad u yar haysta, inkasta oo uu balan qaaday in uu ka fogaan doono muddo jorodhsi iskuna dayi doono in uu wax walba ku qabto mudada u hadhay.

Waxa la filayaa in uu dhawaan soo dhisi doono xukuumadiisa oo ku beegmatay wakhti kala-guur ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga