Shinzo Abe wuxuu iska casilay xafiiska looga taliyo dalka ku yaala bariga fog ee qaaradda Asia ee Japan. Raysalwasaarahan 65-ka ah ayaa sheegay in uu si rasmi ah uga tagayo xilka uu hayo.

Abe oo ahaa raysalwasaarihii ugu mudada dheeraa ee Japan ay yeelato ayaa xusay in is-casilaadiisa ay sabab u tahay xaaladiisa caafimaad oo kasii daraysay mudooyinkii lasoo dhaafay. Xanuun ku dhaca mindhicirka ayuu illaa yaraantiisii la dhibbanaa, balse mudooyinkii ugu danbeeyay ayuu ku kordhay xanuunku. Wuxuu dadka reer Japan ka raaligaliyay in aanu dhammaysan mudadii xafiiska uu joogi lahaa. Mr. abe ayaa talada qabtay sanadkii 2012.

Waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu xisbiga uu kasoo jeedaa soo doorto hogaan cusub, kaas oo buuxin doona inta ka dhiman muddo xileedka Shinzo Abe oo ku ekaa dhammaadka sanadka danbee ee 2021.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga