Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta Addis Ababa kula kulmaya xubno ka tirsan hogaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ergo kor u dhaafeysa ilaa 700 oo ruux oo laga kala keenay deegaannada Ismaamulka Soomaalida.
Dadka uu maanta la shirayo Abiy Ahmed ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa iyada Oo la dajiyay hoteellada ugu qaalisan magaalada waxaana la filayo in ay ka wada hadlaan xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanka Soomaalida, dagaalka Oromada iyo Soomaalida iyo waliba arrimo la xidhiidha qeybsiga kheyraadka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hore U sheegay in uu wax ka qaban doono dagaalka muddada dheer soo socday ee labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada.