Codadkii ugu danbeeyay ayaa la tiriyay doorashada dalka australia iyadoo raysalwsaaraha imika haya taladuna uu mar kale ku guulaystay jagadan.

Scot morison, ayaa ku guulaysanaya aqlabiyadda codadka, isagoo la kulmay tartan adag oo uu si dirqi ah ugasoo gudbay.

Xisbiga haya talada ee uu kasoo jeedo raysal wasaare morison, ayaa u baahan saddex kursi oo dheeraad ah si ay u helaan aqlabiyad lama filaan ah oo ay ku hogaamin doonaan dalka afarta sanno ee soo socda.

Scot morison ayaa taageerayaashiisa u mahad celiyay, isagoo xusay in uu rajaynayay guusha doorashadan.

Xog ururinta la sameeyay doorashada ka hor ayaa saadaalinayay in doorashadan uu ku guulaysan doono xisbiga shaqaaluhu markii ugu horeysay muddo lix sanno ah.

Hogaamiyihii xisbiga shaqalaha ayaa is casilay kadib jabkan kadiska ah ee ku yimi xisbiga, isagoo taageerayaashiisana u sheegay in laga adkaaday.

Arimaha kale ee la taaban karo ee doorashadan waxa ka mid ah. xildhibaan kii difaacay dadkii muslimiinta ahaa ee lagu laayay masaaajidkii magaalada chrischurch, Fraser anning oo ah cunsuri neceb muslimiinta ayaa ku guul daraystay in uu mar kale ku guulaysto jagada xildhibaanimo.

Waxa ay dad badani ku xasuustaan beedkii uu madaxa kaga jabiyay nin yar oo dhalinyaro ah xili uu eedaynayay muslimiinta, difaacayayna weerarkii lagu dilay dadka ka badnaa 50ka qof ee ka dhacay dalka new zealand.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga