Ra’iisul wasaaraha dalka Australia, Scott Morrison ayaa weerar kala kulmay gabar 25 jir ah , xilli uu ku jiray olole doorasho.

Morrison ayaa qeybta dambe ee madaxa looga dhuftay ukun, marka oo uu dad badan ku dhex jiray ,inakstoo aysan ku jabin ukuntii isaga loo waday oo ku dhacday haweeneey da’ ah oo agtaaneyd.

Warbaahinta ayaa dhacdadaan aad u baahisay, waxaana muuqaallada laga arkayay gabar 25 sanno jir ah oo goobta lagu qabtay taasi oo ay booliisku sheegeen in markii dambe la xiray.

Ra’iisul wasaaraha dalka Australia, wuxuu qofka ukunta soo tuuray ku tillmaamay fulay,isagoo ilaaladiisa gaarka ah ku ammaanay sida degdegga ah ee ay arrinta usoo dhex galeen oo ay walaac uga muujiyeen haweeneeyda da’da ah ee ay ukunta ku dhacday.

Bishii Maarso, Senator Fraser Anning oo ka tirsan xisbiga Midigta fog ayaa ukun lagu dhuftay kaddib markii uu si xooggan u dhaleeceeyay wararkii ku saabsanaa weerarradii masaajiddadii magaalada Christchurch ee New Zealand.

Wiil 17 sano jir ah ayaa markii dambe boolisku u xireen dhacdadaasi,kaaso markii dambe caan ka dhex noqday baraha bulshada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga