Magaalada xeebta ku taala ee Boosaaso kana tirsan deegaanada maamulka Puntland waxa lagu toogtay laba ka mid ah raggii lagu helay kufsigii Caa’isha Ilyaas, oo ahayd gabadh yar oo bishii Febraao sanadkii 2019-kii lagu kufsuday laguna dilay magaalada Gaalkacayo.

Saaka aroortii hore ayaa raggan dil toogasho ah lagu fuliyay, iyadoo ninka saddexaad dib loo dhigay kiiskiisa, walina aanay ka hadal masuuliyiinta ku shaqada leh arintani. Lbada nin ee la toogtay waxa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed.

Geerida iyo kufsiga AHU Caa’isha oo jirtay 12-sanno oo kaliya, ayaa si ballaadhan ay Soomaalida dunida dacaladeeda joogtaa uga damqadeen isla markaana u dalbadeen in raggan caddaalada la marsiiyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga