Ragga ku nool  dalka Eritrea , ayaa dawladda u hogaamiyo Isias  Afwerki , waxa ay u soo jeedisay in ay hal gabadh in ka badan  guursadaan ama khatar ugu jiraan xabsi daa’in , war-murtiyeedkan oo ku qornaa Af Carabi oo   uu soo saaray Muftiga oo ah hay’adda arrimaha diinta ee uga saraysa ee wadanka , ayaa lagu baahiyay baraha bulshada

 Marka  la eego amarka  dawladdu waxa uu salka ku hayaa  ragga oo waddankaasi ay ku yaraysay dhimashadii ka soo gaadhay dagaalkii  ay la galeen Itoobiya sida ay ku warantay shabakedda Afkiinsider . Macluumaadka oo aan si madaxbanaan  loo xaqiijin , ayaa ka digaya in ninka ama gabadha ka soo horjeesta go’aankaasi uu wejahi doono xabsi daa’in

 Macluumaadka  ku qoran Af Carabiga , ayaa  waxa leeyahay in uu salka ku hayo  sharciga Ilaahay oo banaaneeyay in haween badan  la guursan karo, iyada oo duruufta jirtaana ay tahay  ragga oo yaraaday .

waxaana  waaxda arrimaha diinta ee ERITREA , ay go’aan ku gaadhay  arrimahan soo socda oo kala ah in nin walba uu guursado  ugu yaraan laba dumara , waxaana ninka diida in uu sidaa yeelo lagu xukumayaa xabsi daa’in  iyo weliba shaqo adag .

Haweenayda isku dayda  in ay ninkeeda ka horjoogsato in uu guursado gabadh kale  waxa lagu ciqaabi doonaa xabsi madaxaa ha ku furto ah

 In  ka badan 15000 oo askari , ayaa kaga dhintay ERITREA , dagaaladii u dhexeeyay Itoobiya  sannadihii 1998 illaa 2000 , waxaana wakhtigaa Ragga ku nool wadankaasi tiradoodu ahayd 4 milyan

ERITREA  oo caasimadeedu tahay Asmara , ayaa dhanka Galbeed xuduud kala leh Suudaanka , Koonfur waxa kaga beegan Itoobiya , dhanka Koonfur Barina Djibouti ,  halka Badda Cas dhanka beegan looga sii gudbo dalalka Yemen iyo Sacuudi Carabiya

 Dalka  ayaa bedkiisu dhanyay  117,600 km, oo ka mid yihiin   Jasiiradaha includes the Dahlak Archipelago  Hanish Islands. Magaca ERITREA , ayaa ah Giriig , waxaana  uu la xidhiidhaa Badda Cas , waxaana markii ugu horeysay meel mariyay Talyaaniga 1890.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga