Maraykanka waxa laga cabsi qabaa rabshado hubaysan oo ay fuliyaan taageerayaasha gadoodsan ee Donald Trump, adaweynaha laga adkaaday ee dalka Maraykanka.

Sirodoonak Maraykanka ayaa sheegay in ka hor inta aanu xafiiska la wareegin Joe Biden la filayo in taageerayaasha Trump oo hubaysani ay weeraraan meelo badan.

Xarumaha dawladda ee 50-ka gobol ee Maraykanka ayay tagaeerayasha Trump qorsheeyeen in ay ka hor dhigaan banaan baxyo rabshado wata, iyadoo markan ay hay’adda FBI-du ogaatay in ay hub wataan.

Waa xili wasiirkii arimaha gudaha ee dalka Maraykanku uu is casilay, kadib hogaaminta Trump oo uu diiday.

Maalinta ay bishu tahay 20-ka oo Joe Biden loo dhaarin doono talada Maraykanka ayay taageerayaasha Trump rabaan in ay qas kala hor tagaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga