Quwadaha reer yurub ayaa jimcihii cambaareeyay go’aanka Israel ay ku ansixisay dhismaha  kumanaan dhimse oo deegaamayn ah dhulka Falastiiniyiinta ee ay xooga ku haysato, waxayna quwadaha reer Yurub ku tilmaameen “tallaabo lid ku ah” oo wiiqaysa dadaallada nabadeed ee gobolka.

“Ballaadhinta degsiimooyinku waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah waxayna sii qarinaysaa suurtogalnimada xalka laba dowladood si nabad iyo cadaalad waarta loogu helo colaadda Israa’iil iyo Falastiin,” ayaa lagu yidhi bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibedda ee Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Isbaanishka.

Quwadaha reer Yurub ayaa sidoo kale yidhi:

“Sidii aan toosba ugu adkaynay dowladda Israel, talaabadani waxay sii wiiqeysaa dedaallada dib loogu dhisayo kalsoonida labada dhinac iyadoo dib loo soo celinayo wadahadalkii,” ayay yidhaahdeen, iyagoo ku booriyay in si deg deg ah loo joojiyo dhismeyaasha looga dan leeyahay deegaamaynta.

Wasiirradu waxay sheegeen in hore loo sii wado deegaamayn cusub oo badan ay noqonayso “tallaabo liddi ku ah marka la eego horumarka wanaagsan ee heshiisyadii caadiga ahaa ee ay gaareen Israa’iil, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.”

Imaaraatka iyo Baxrayn waxay bartamihii September dhinac iska dhigeen cadaawad tobanaan sano ay u hayeen Israa’iil si ay u kala saxeexdaan heshiis uu gadhwadeen ka ahaa Maraykanku kaas oo lagu caadiyaynayay xidhiidhka dalalkaasi iyo Israa’iil.

Quwadaha reer galbeedku waxay rajeynayeen in heshiisyadan ay keeni doonaan xasiloonida gobolka waxayna muujinayaan rajo nabadeed oo buuxda

Laakiin Falastiiniyiinta ayaa waxay ku tilmaameen isbedelka ay ku sameeyeen wadamadan  Khaliijku khiyaano qaran.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga