Kharashakla ay dawladaha miltariga ku tartamaa galiyaan ciidanka ayaa gaadhay halkii ugu saraysay tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii qaboobaa ee dunida., sida lagu sheegay warbixin uu daabacay maxadka cilmi-bidhaaista nabada ee dalka sweden.

Wadamada maraykenka iyo shiinaha oo ah kuwa dhaqaale ahaan ugu cudada buuran caalamka ayaa kordhiyay dhaqaalaha ay ku bixiyaan arimaha miltariga, iyadoo taasina ay dhiirigalisay wadamada kale, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixinta oo sanad walba uu saaro maxadku, ayuu ku sheegay in sanadkii 2018-kii ay guud ahaan wadamadu ku bixiyeen milatariga aduun lacageed oo gaadhaya $1.82tr. Iyadoo %2.6 ka saraysa kharashka sanadkii ka horeeyay lagu bixiyay.

Dawlada mryknka ayaa muddo todobad sanno ah markii ugu horeysay kordhisay kharashka ay ku bixisoa miltariga iyadoo gaadhsiisay $649bn, taas oo ka dhigaysa wadanka ugu horeeya dundia ee khrash badan ku bixiya miltriga.

Dalka ruushka ayaa sanadkan liiska ka galay kaalinta 6-aad. Taas micnaheedu maaha awooda milatari ee waxa laga badsaday kharashka uu ku bixiyo milatariga.
Hadii aynu si guud u eegno:
Dalka mryknka oo kaalinta koobaad ku jiraa wuxuu snadakii arimaha miltariga ku bixiyaa 649bn
shiinaha oo kaalint alabaad galay wuxuu 2018kii kharashgareeyay 250bn

Sucuudiga oo sadexaad ahi wuxuu miltariga ku bixiyay 68bn

Indai oo ku xigtaa waxay ku bixisay 67bn
Wadamda kalena waxay iskusii xigxigaan ffarasnisika 64bn ah, ruushka oo 61bn ah, ingiriiska oo 50bn ah. Iyo jarmalka oo isna ku bixiyay 49bn. Japan iyo koonfurta kuuriya ayaa iyaguna liiska kusii jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga