Qunsulka dawladda Turkiga u fadhiya qunsuliyadda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland Ali Noyan, ayaa waxaa uu ka warramay sannad-guuradii afaraad ee kasoo wareegtay isku daygii afgemi ee ka dhacay dalkaasi Turkiga 15-kii July sannadkii 2016-kii.

Qunsulka ayaa sheegay in kooxda Feto, oo ah koox argagixiso  ay ka dambaysay isku-dayga afgembi, kooxdaasi oo uu hoggaamiyo Fetxullah Gulan.

‘’15-kii July isku dayga afgemi waxaa diyaariyay hoggaanka kooxda Feto iyadoo ay fulinayeen xubno ururkaasi ka tirsan kuwaasi oo ciidanka soo dhex geliyay diidmada amar-qaadashada ciidanka xoogga’’.

Si aad u fahamto halista amni ee ay shabakaddiisa dembiyeed soo bandhigeen, aynu dhuganno falalkoodii, 15-kii bishii July 2016 falalkii waxshinimo ee dhacay waxay ahaayeen weerarradii argagixiso ee uu Turkigu abid arko.

Dhismihii baarlamaankayga, xaruntii madaxtooyda, dhismaha haayadda sirdoonka, dhismaha booliska qaranka Turkiga, xarunta dhexe ee booliska sida gaarka ah u tababaran ayay duqeeyeen duuliyeyaal aan bislayni, taangiyada ayaa waddooyinka la eryayay, iyadoo ay diyaaraduhuna korka ka duqaynayeen dadka, habeenkaas 251 muwaadin ayaa la dilay, halka la  dhaawacay in ka badan 2,000 oo qof.

 

Isku daygii afgembi wuxuu muujiyay khatarta wayn ee kooxda argagixisda Feto ay kaga soo horjeedaan dalkayga.

Qunsulka Turkiga Hargeysa u fadhiya Ali Noyan, ayaa waxaa uu sheegay inay kooxda Feto hawlaheeda dhex marsan jirtay dugsiyada, goobaha ciyaaraha iyo bini-aadannimada, isagoo sheegay in kooxda Feto ay khayraadka dalkaasi ku tacaddiday iyadoo ku ballaadhisay awoodaheeda dhaqaale iyo siyaasadeed, qunusulku wuxuu sheegay in dadka Turkigu ay ka diideen kooxda Feto, iyagoo u sheegay inaanay aqoonsanayn awood lid ku ah dalabkooda diyaarna u yihiin naf huridda inay dalkooda ilaaliyaan iyo habkooda dimuquraadigga ah.

Qunsulka Turkiga Hargeysa u fadhiya ayaa sheegay in dawladda Turkigu ay gacanta ku qabatay adeegyadii uu bixin jiray ururkaasi, iyadoo dalwadda Turkiguna la dagaallamaysa fikradaha kooxdaasi, waxaa uu sheegay inay halis ku yihiin nabadgeliyada dalalka ay ka shaqeeyaan weli waxaanu xusay in sida uu dhigayo sharciga Turkigu iyo ku dhaqanka dastuurka dalkaasi, la horkeenay sharciga xubnihii ka qaybta ahaa isku daygii afgembi ee 15-kii July.

Gebagabadii waxaa uu u mahadceliyay saaxiibada Turkiga ee garab istaagay kadib dhacdadaasi.sgsfgsfgfg

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga