Inkasta oo ay ahayd munaasibad ay arday dhammaysatay Jaamacadda Hargeysa ku qalin-jabinayeen, hadana waxay dad badani u dheg-taagayeen khudbadda madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, maadaama oo todobaadkii tagay ay dalka ka dhaceen dhacdooyin is-xig-xigay oo saamayntooda lahaa.

 

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu rejo wanaagsan ka muujiyay in doorashada Somaliland ay qabsoonto, isagoo soo xigatay kulankii uu xisbiyada iskugu yeedhay qasriga madaxtooyada. Hadalkiisa ayaa u muuqanaya mid aanay wax badani ka suurta galayn marka la eego mawqifyada ay kala taaganyihiin xisbiyadu, xili xisbiga Waddani oo ah kan ugu wayn mucaaridka Somaliland uu ka baxay heshiiskii doorashada.

 

Waxa la filayay in madaxweynuhu uu ka hadlo siyaasaddiisa ku wajahan arimaha gudaha, maadaama ay xiisad culusi ka taagantahay qaar ka mid ah deegaanada bariga Somaliland. Mudane Muuse Biixi kamuu hadal ciidanka ka goostay Somaliland iyo deegaanka Badhan oo laga dajiyay calanka Somaliland, iyadoo dad badani ay rejaynayeen in madaxweynuhu uu mawqifkiisa cadeeyo.

 

Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya arimaha dibadda, waa sida uu hadalka u dhigaye, ayuu dhaliilo u jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya, balse dad badan ayaa shaki galiyay baahida keentay in madaxweynuhu uu soo hadal qaado Soomaaliya iyada oo ay waddanka ka jirto arimo badan oo mudnaa in laga hadlo.

 

Hadal dood badan dhaliyay oo todobaadkan uu yidhi taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, ayaanu madaxweynuhu soo hadal qaadin. Hadalka taliyaha ayaa la kulmay dhaleecayn ballaadhan, iyadoo lagu tilmaamay “mid kala-qaybsanaan keeni kara.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga