Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeele iyo Galmudug ayaa shirara la yeeshay wasiirada beesha Hawiye ee xukuumadda madaxweyne Farmaajo, waxayna ku shireen magaalada Muqdisho.

Qoorqoor iyo Guulwade ayaa wasiirada Hawiye kala hadlay sidii uu gobolka Benaadir metelaad ugu yeelan lahaa doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya ka dhacaya. Waa qorshe lagu rabo in Jubaland iyo Puntland diidmadooda meesha loogaga saaro, sida ay ku warameen ilo ka agdhaw kulanka.

Waxa la filayaa in labada madaxweyne ay qorshe arintan ku aadan keenaan, kadibna taageero looga raadiyo odayaasha dhaqanka ee beesha Hawiye, dawladduna ay taageero buuxda siiso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga