Qofkii ugu horeeyay ayaa safar gaar ah ugu baxay hawada sare iyadoo imika la sheegayo in ay gaadheen hawada sare, kana baxeen dhulka.

Richard Branson oo ah maal-qabeen u dhashay Maraykanka ayaa isagu samaystay dayax gacmeed u gaar ah oo uu raacay saacado ka hor, kaas oo ay farsamaysay shirkadiisa Virgin Galactic oo hawsha farsamaynta wadday muddo 20 sanno ah.

Safarka waxa ku hogaaminaya maal qabeenka saddex qof oo kale, xubno ka mid ah shaqaalaha farsameeyay dayax gacmeedka iyo laba duuliye.

Waxa jira maal-qabeeno kale oo iyaguna isu diyaarinaya in ay hawada sare u baxaan sanadaha soo socda, waxaana ka mid ah ninka dunida ugu taajirsan ee Jeff Bezos.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga