Muddo haatan laga joogo 40 sannadood, bini-aadamku waxay gaadheen heer loo arkayay inaanay suurtagal ahayn, taasoo ahayd in qof wadne la geliyo dabadeed uu noolaado, dalka Ingriiska ayaa lagu sameeyay qalniinkii ugu horreyay ee wadnaha qof loogu geliyo ee lagu guulaysto.

Cisbitaalka Cambridge’s Papworth Hospital, ayaa lasoo dhigay bukaan loo diyaarinayay qalniin dhanka wadnaha ahaa, bukaankaas oo magaciisa la odhan jiray Keith Castle kaasoo ay da’diisu ahayd 52 jir xilligii qalniinka, ayaa noqday bukaankii ugu horreyay ee qalniin wadnaha ah oo lagu guulaystay lagu sameeyo dunida.

Mr. Keith, ayaa cisbitaalka ka baxay isagoo nabad qaba, wuxuuna dib usii noolaa muddo shan sanno ah, dhakhtarkii qalniinka fuliyay oo layidhaa Sir Terence, ayaa sheegay inuu cadaadis xooggan kala kulmay kooxdii dhanka caafimaadka ee ay wada shaqaynayeen kahor qalniinka oo loo arkayay wax aan suuragal ahayn inuu qofi kusii noolaado, Sir Terence ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay afartan sanno kadib inuu arko dad tiro badan oo qalniinkii uu isagu ku guulaystay kunool oo ka faa’iday.

In kabadan 8000 oo qof, ayaa gudaha dalka Ingriiska ka faa’daystay qalniinka, iyadoo waaxda caafimaadka ee dalka Ingriiska NHS sheegtay, in sannadba sannadka ka dambeeya dadka wadnaha loo bedelaa ay kasii wanaagsanaanayaan caafimaad ahaan iyo cimri ahaanba.

Richard Worthington iyo Louise McLellan, oo labadoodaba wadnaha loo dad kale looga bedelay, ayaa sheegay inaanay marnaba meesha soo dhigan inay sii noolaan doonaan, balse uu bedbaadiyay wadnaha loo geliyay, Richard Worthington, ayaa sheegay inuu yahay aabbe carruur leh, shaqaysta oo aad u wanaagsan kadib markii wadnaha loo geliyay 35 sanno kahor, Louise, ayaa iyadu sheegtay inay ka qayb gasho tartamada iyadoo wadne qof kale ku jiro, kuna faraxsan tahay inay noolaato.

3 Qof geeryooday inuu baa wadnaha laga qaadan karaa iyadoo ehelkiisku fasaxaan amaba isagu hore usii sheegay, waxay ahayd sannadkii bishii December 1967-kii, markii ugu horraysay ee wadne qof kale qof kale la geliyo,  Dr Christiaan (Chris) Barnard, oo koonfur Afrika u dhashay ayaa sameeyay isagoo geliyay  Louis Washkansky oo ay da’diisu ahayd 53 jir, balse wuxuu dib usii noolaa 18 cisho oo keliya.

Axmed Maxamuud Yuusuf

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga