Madaxweyne Muse Biixi Cabdi, oo si Wadda Jira ula Hadlayey baarlamaanka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in Qaramadda Midoobay iyo Somaliland ay baadhitaan ku samaynayaan hababka loo dejinayo Gargaarka Qaramadda Midoobay ku Tageerto Somaliland si loo helo wax-qabad wanaagsan iyo isla xisaabtan Dhab ah.

“Qaramada Midoobey iyo Somaliland waxay qorsheynayaan in ay hirgeliyaan wax lagu magacaabo” Waaxda QM ee Arrimaha Somaliland si loo hubiyo in ay Somaliland heshay saamiga saxda ah ee Deeqaha ay bixiso Qaramada Midoobay” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay u suurtagashay in ay hesho taageero dhaqaale oo gaadhaysa ilaa 150 milyan oo doolar, oo loogu talo-galay mashaariicda horumarka Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga