Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu walaac ballaadhan ka muujiyay xaaladda dalka Libya, gaar ahaan faragalinta wadamada shisheeye ee arimaha gudaha ee dalkaas.

Antonio Guterres wuxuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in cooladda Libya ay yeelatay weji kale, isagoo faragalinta shisheeye ku tilmaamay in xadka ay marayso aan loo dul qaadan karin.

Qalab milatari oo casri ah, iyo xoogaga shisheeye oo aad u badan oo kusoo qulqulaya Libya ayuu Guterres ka dayriyay.
In ka badan 15,000 oo calooshood u shaqaystayaal wadamo kala duwan kasoo kala jeeda ayaa lug ku leh colaadda Libya.

Libya waxay jahawareer cagaha la gashay sanadkii 2011-kii, markaas oo kacdoon ay NATO taageeraysay xukunka lagaga tuuray madaxweynihii mudada dheer u talinayay dalka Libya, Mucaamar alQadaafi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga