Dhawaaq farxadeed ayaa ugu danbayn kasoo yeedhaya magaalada Qaza oo muddo ku dhaw laba todobaad ay Israel ku garaacaysay madaafiic tiro badan kuna dishay boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Qaza iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Xamaas.

Xabbad-joojin ay isla qaateen Xamaas iyo israel ayaa dhaqan gashay saacadihii hore ee maalinta Khamiista, kadib dawladda Maraykanka oo ku amartay Israel in ay joojiso xabadda.

Falastiiniyiinta ayaa iskusoo baxay waddooyinka magaalada Qaza iyagoo u debaal dagaya guul ay ka sheegteen dagaalka, kadib markii ay diideen dhul ay Israel rabtay in ay xoog kula wareegto. Balse damaca Israel ayaa weli halkiisa ah oo aanay ka tanaasulin.

Israel dhankeeda waxay guul ka sheegatay dagaalka ku dhawaad labada todobaad socday.

Dagaalka waxa lagu dilay 250 qof dad ka badan oo 100 in ka badani ay haween iyo caruur yihiin, badina Qaza ku sugnaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga