Dawladda Qatar ayaa Soomaaliya usoo dirtay diyaarad nooca milatariga ah oo ay ka buuxaan shixnado dawooyin ah oo loogu talo galay dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaadheen qaraxii aroornimadii Sabtida ka dhacay isgoyska Ex-Contarool Afgooye.

Waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay diyaaraddani soo cago dhigato garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo masuuliyiin dawladda federaalka ka tirsani ay ugu diyaarsanyihiin.

Qatar waxay noqonaysaa dawladdii labaad ee kasoo jawaabta musiibadii ka dhacaday Muqdisho maalin ka hor, taas oo qaraxii is-miidaaminta ahaa ay ku nafwaayeen dad ka badan 80 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga