Dawladda Qatar, ayaa maanta oo Sabti ah waxay Somaliland soo gaadhsiisay qalab caafimaad, kaas oo iskugu jira dawooyin iyo kuwa lagaga hortago xanuunka layidhaa Covid-19.

Diyaarad sidda qalabkaas, ayaa waxay saaka soo cagadhigatay dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxaana deeqdan ka guddoomay safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad, agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo ay weheliyaan, guddoomiyaha haayadda musiibooyinka iyo Kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh iyo xoghayaha guud ee guddida kahortagga xanuunka Xuseen Aadan Cige ‘’Dayr’’.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo masuuliyiinta kale ayaa dawladda Qadar uga mahadceliyay gargaarka ay soo gaadhsiisay Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay oo xaqiiqada ku sal leh kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga