Qatar waxay muddo ka dib dib u bilawday doorkeeda dhexdhexadinta ee khilaafaadka ka jira Bariga Dhexe, kadib sanado ay xidhiidhka isku jareen qaar ka mid ah dawladaha Khaliijka Carabta.

Xukuumadda Dooxa ayaa wada dedaalo ay ku kala dhex galayso dawladda Iran iyo dawladaha kale ee gobolka ee xurguftu ka dhaxayso uguna horayso boqortooyada Sucuudigu.

Kadib kulan ay yeesheen wasiirada arimaha dibadda ee dawladaha Qatar iyo Iran oo ka dhacay magaalada Tehran ee caasimadda Iran, waxay Qatar sheegtay in ay bilaabayso dedaalo heshiisiin ah.

Qatar iyo Iran waxay ka wada hadleen arimaha nukliyeerka Iran, khilaafaadka dawladaha Bariga Dhexe, iyo si gaar ah xidhiidhka labada waddan.

Qatar waxay rabtaa in dunida ay kala hadasho heshiiskii nukliyeerka Iran ee sanadkii 2015, kaas oo Maraykanku uu ka baxay sanadkii 2018, balse hadda maamulka cusub ee Joe Biden uu sheegayo in uu diyaar u yahay ku noqoshada heshiiskaas.

Dhanka kale, Qatar waxay wajahaysaa shaqo adag iyadoo damacsan in ay isku keento labada dawladood ee gobolka sida wayn ugu xafiiltama, waa Iran iyo Sucuudiga.

Qatar waxa hore loogu amaanay dedaaladeeda xasilinta gobolka, iyadoo dawladaha qaarna ka cadhaysiisay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga