Laba Qarax Xooggan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay ka dheceen magaalada Muqdisho. Qarax koowaad ayaa ka dhacay  xaafadda Oodweyne oo ku taalla duleedka magaalada. Miinadaasi ayaa waxa ay la kacday gaadhi nooca raaxada ah, kaasi oo marayay jidka lagu aasay miinada. Qaraxaas ayaa waxa ku dhintay laba qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux, oo kale.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay isna waddada warashadaha. Waxaana uu qaraxaasi ka yimi gaadhi ay la kacday miino dhulka lagu aasay. Qaraxan labaad ayaa la sheegay in aan cidna waxba ku noqon sida uu sheegay afhayeenka gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u danbeeyay soo xumaanayay, waxaana magaalada la dhacayay qaraxyo ay ku dhinteen dad rayis ah. Waxaana dhanka kale magaalada la dhacay dagaal dhex maray ciidamo ka wada tirsan ciidamada dawladda federaalka.

Siyaasadda dalka ayaa iyaduna qasan, waxaana ay maraysaa meel xasaasi ah. Waxaana jira loollan siyaasadeed oo u dhexeeya xukuumadda madaxweyne Farmaajo iyo XasaN Cali Khayre, oo dhan ah  iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo isna dhanka kale ah. Guddoomiye ku xigeenka koowaad, ee golaha shacabka ayaa soo saaray warqad uu ku muudaynayo xilliga uu qabsoomayo mooshinka laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.

Lama xaqiijin karo in amni darradan soo cusboonaatay ay xidhiidh la leedahay loolankaasi siyaasadeed, laakiin mar walba xiisaddan siyaasadeed waxa ay fursad u tahay ururka Al Shabaab, oo badanaa sheegta qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga