Hal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamda dawladda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay ku nafwaayeen qaraxyo maanta ka dhacay degmada layidhaa Awdheegle oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imanaya halkaasi ayaa sheegaya in qaraxyada lala bartilmaameedsaday goob makhaayad ah oo ay ciidanku fadhiistaan iyadoo degmada Awdheegle kamid ah deegaanno dhaawaan ay qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya, kuwaas oo ka qabsaday kooxda Alshabaab.

Degamadani Awdheegle ayaa fadhiisin u ah ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda labada qarax, walow ay Al-shabaab hore qaraxyo uga fulisay deegaankaas.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga