Qarax xoogan ayaa hadda ka dhacay xero lagu tababaro ciidamada oo ku taala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka SOomaaliya, sida ay sheegayaan wararka nagasoo gaadhaya magaaladu.
Qaraxa ayaa ka dhacay xerada Jeneraal Dhagabadan ee koonfurta magaalada Muqdisho, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay dhimashada 10 qof.
Ciidamo xerada ku sugnaa ayaa tababar samaynayay xiliga uu qraxu ka dhacay xerada.
Weli dhimashada ayaa kor u socota iyadoo la xaqiijinayo tirada guud ee dadka waxyeeladu ay soo gaadhay.
Qof walxaha qarxa isku soo xidhay ayaa ka danbeeyay qaraxa.
 
Wararka kasoo kordha kala soco SAABTV.COM

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga