Qarax khasaare kala duwan sababay ayaa ka dhacay magaalada Liverpool ee dhacda badhtamaha aglbeed ee dalka Ingiriiska.

Gaadhi walxaha qarxa ay saarnaayeen ayaa ku qarxay afaafka hore ee cisbitaal ku yaala Liverpool, iyadoo weli aan la ogayn sida uu u dhacay iyo waxa sababay.

Hal qof ayaa ku dhintay qaraxan iyadoo mid kalana uu ku dhaawacmay, wuxuuna dhacay xili aanay ka ag dhawayn dad badani.

Saddex qof ayaa loo xidhay qaraxan sida ay sheegeen booliska Liverpool oo imika baadhitaan wada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga