Gaadhi nooca xamuulka ah oo baarkin kujiray ayaa ku qarxay magaalada Nashville, ee gobolka Tennessee dalka Mareykanka, subaxnimadii hore xilligan oo lagu jiro wakhtiga Kirismaska.

Wararka ka imanaya halkaasi waxay sheegayaan, in illaa hadda ay dhaawacmeen 3 qof, isagoo baabiiyay nidaamyada isgaadhsiinta ee gobolka Tennessee sida ay sheegayaan wararka hordhaca ahi.

Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa ku warramaysa, suurtagalnimada inay maydad laga helo goobta qaraxa, booliska iyo madaxda gobolka Tennessee, ayaa ku warramaya in weerarkani la gaystay uu ahaa mid ula kac ah

Qaraxa ayaa yimi iyadoo boolisku ay ka jawaabayeen, rasaas la furay bilowga weerarka, iyadoo wararku sheegayaan in ay dadkii ka agdhawaa goobtu kusoo baxeen codadka sheegaya inay degdeg uga baxaan goobta, isla markaana uu qaraxo dhacay.

Booliska Maraykanka ayaa baahiyay muuqaalka gaadhiga qarxay, kaasi oo uu noociisu ahaa RV caddaan yahay midabkiisu, waxaanay sheegeen inay wadaan baadhis xooggan.

Sawirrada iyo muuqaallada laga soo qaaday goobta, ayaa muujinayay dhismeyaal burbursan, qiiq iyo holac goobta ka jira, iyadoo ay gaadheen baabuurta gurmadka degdegga ahi.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga