Madaxda sare ee QM ayaa dalbaday in si dhakhso ah loo joojiyo weerarrada ay geysanayaan Cidamada ​​Suuriya.

 

Ciidamada Suuriya oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka Ruushku ayaa sii wada Weerarada Dimishiq. taas oo keentay dhimashada dad rayid ah, in kabadan 270 – oo ay ku jiraan 60 carruur ahi ayaa lagu dilay weerarada-saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

 
“dhammaan kuwa ku lugta leh weerarada waa in si deg deg ah looga joojiyo dhaqdhaqaaqyada dagaal ee Bariga Suuriya,Xogheyaha Guud Ee Qaramada Midoobay ayaa ka sheegay. shirkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

 
Madaxa Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha Zeid Rade ayaa ugu yeedhay weerarrada hawada iyo dabaylaha “ololaha daa’imka ah ee burburinta suuriya.

 
“Sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada waxaa loo sameeyey si loo joojiyo xaaladda noocan oo kale ah, oo dadka rayidka ah lagu gowracayo si loo fuliyo ujeedooyinka siyaasadeed ama millatari,” ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray.

 
Qaramada Midoobay ayaa diiwaan-galisay 346 qof oo rayid ah oo ku dhintay Weerarada halka 878 qof oo kalena ku dhaawacmay tan iyo 4-tii Febraayo, sida uu sheegay Madaxa Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha.

 

 

Ruushka ayaa lagu eedeeyay weerarrada hawada ee Arbacadii loo gaystay dadka rayidka ah,

 
Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa weeraro cirka ah ka fuliyay Suuriya si ay u taageeraan madaxweyne Bashar al-Assad tan iyo sannadkii 2015

 

Wadahadaladii ay ku doonayeen nabadgalyada lagu xalinaayo xaaladda xun ee Bariga suuriya ayaa burburay kadib markii mucaaradku ay iska indhatireen baaqyada ah in ay joojiyaan iska caabintooda oo ay hubka dhigaan, ciidamada Ruushka ayaa sidaas sheegay Arbacadii.

 
Mucaaradka ayaa ka hortagay dadka rayidka ah in ay ka baxaan aagagga dagaalada, ayaa sidoo kale ku yiri bayaankan.

 
Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Nebenzia ayaa ku baaqay in Golaha Ammaanka ee QM ay ka wada hadlaan xaaladda Gacanka Khamiista.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga