(FILES) A picture made available by Albany Associates shows the helmet of a Nigerian soldier serving with the United Nations-African Union Mission in Darfur (UNAMID) resting on sandbags at a checkpoint near the mission's Western Sector headquarters in the outskirts of the state capital of west Darfur, el-Geneina, about 10 kms from the border with Chad, on March 14, 2008. A peacekeeper with the joint United Nations African Union Mission in Darfur (UNAMID) was killed in an ambush in the western Sudanese region, a senior UNAMID official told AFP on September 29, 2009. AFP PHOTO/HO/STUART PRICE == RESTRICTED TO EDITORIAL USE == / AFP PHOTO / ALBANY ASSOCIATES / STUART PRICE

Warbixin ay soo saartay qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in illaa 9,000 oo qoys ay ka barakaceen gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya bishan, qoysaskaasi oo badankoodu ka cararay magaalada Beled-xaawo oo ay ka taagan tahay xiisad u dhexaysa ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Waxay ahayd uun maalintii shalay, markii magaalada Beled-xaawo uu ka dhacay dagaal dhexmaray labada dhinac, dagaalkaas oo sababay geerida shan qof halka ay ku dhaawacmeen 15 qof.

Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in tirada dadka ku barakacay dagaalkani ku dhawdahay 56,000 oo qof tan iyo bishii February.

Xidhiidhiyaha gargaarka Soomaaliya Axmed Cabdi Mawla, ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamay inay yareeyaan khasaaraha soo gaadhi kara dadka rayidka ah, duqaynta goobaha waxbarashada, caafimaadka isagoo ugu baaqay dhinacyada dagaallamay inay ilaaliyaan hantida dadka rayidka ah.

Xidhiidhiyaha gargaarka Soomaaliya, waxaa uu ugu baaqay dhinacyada colaaddu dhextaal inaanay dhibin dadka barakacaya, iyadoo xilligan qiyaastii 2.5 Million oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya sababo la xidhiidha colaadaha iyo cimilada awgeed.

Dadka barakacayaasha ah, ayaa gaadiid iyo lugba kaga baxaya goobaha colaaduhu soo gaadheen, iyadoo dadkii awoodi waayay ina kabaxaan magaaladuna ay u barakaceen xaafado kale oo kuyaal isla magaalada.

Sannadkii 2019-kii oo keliya ah ayaa sida ay qaramada midoobay sheegtay waxaa gudaha dalka Soomaaliya colaad awgeed ugu barakacay ku dhawaad 190,000 oo qof halka sannadka 2020 bishii January oo keliya la diiwaan geliyay u barakaceen 35,000 oo qof.

Dhinaca kale dawladda Maraykanka ayaa ugu baaqday labada dhinac ee ku dagaallamaya magaalada Beled-xaawo inay ka fogaadaan colaadda oo ay xabadda joojiyaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga