Xogahyaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa war cusub kasoo saaray khilaafka ka taagan doorashooyinka waddanka Soomaaliya.

Antonio Guterres ayaa ku baaqay in wada hadal lagu xaliyo khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka.

Xoghayaha ayaa la hadlay madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen doorshooyinka, amniga iyo abaaraha Soomaaliya. Guterres wuxuu u sheegay Farmaajo in loo baahan yahay in si degdeg ah loo dhamaystiro doorashooyinka dalka.

Warkan ayaa imanaya xili uu khilaaf ka jiro doorashooyinka Soomaaliya, khilaafkaas oo taxan min heer federaal illaa heer maamul goboleed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga