Qaramada Midoobay waxay ka dayrinaysaa xaaladda dalka Libya iyo mustaqbalka waddanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa quwadaha shisheeye ee ku dagaalamaya dalka Libya wuxuu ugu baaqay in ay joojiyaan hubka badan ee ay ku daabulayaan gudaha dalkaas si ay ula kala saftaan dhinacyada ay kala taageeraan ee gudaha ku dagaalamaya.

Antonio Gutteres wuxuu soo jeediyay in dhammaan dhinacyadu ay dhiiri galiyaan dedaalada nabadda ee socda iyo sidii dhinacyada dagaalamaya loo kala dhex dhigi lahaa xabbad joojin waarta.

Qaramada Midoobay iyo Jarmalka ayaa kulan iskugu yeedhay labada dhinac ee dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay iyo garabka Xaftar. Jarmalka ayaa iasgu imika sheegaya in uu dhex ka yahay colaadda Libya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga